Deegaanka Cuur waxa uu leeyahay khayraad dabiici ah oo gaar ah, waxaana ka mid ah geedka qiimaha badan ee Xijiga. Geedkan wuxuu leeyahay maydho udgoon iyo xabag tayo sare leh oo loo adeegsado daawo dhaqameed, cadar, iyo badeecooyin kale oo dabiici ah.
Maanta, waxaan u istaagnay sidii aan u horumarin lahayn fursadaha ay Xijiga Cuur na siinayo. Waxaan raadineynaa suuqyo cusub oo ay ganacsatada iyo warshadleyda adduunka uga faa’iidaysan karaan xabagga dabiiciga ah ee xijiga.
Himiladeennu waa:
•Inaan abuurno xiriir suuq-geyn oo joogto ah.
•In la kobciyo dhaqaalaha deegaanka Cuur.
•In la dhowro geedka Xijiga iyo deegaanka dabiiciga ah.
Fursadaha suuq-geynta xabagga xijiga ayaa koraya iyadoo baahida loo qabo alaabada dabiiciga ah ay cirka isku shareertay. Cuur waxa ay diyaar u tahay inay qeyb ka noqoto suuqan caalamiga ah ee sii kobcaya.
Cuur, Barwaaqada Dabiiciga ah ee Suuqyada Mustaqbalka!