13/04/2025
Mashruuca qodista har-yarada Cuur wuxuu wajahay caqabado cusub kadib markii shaqaalaha ay la kulmeen arrimo shaqsiyadeed oo ka hor istaagay inay shaqada bilaabaan.
Si kastaba ha ahaatee, Oday Caalim Faatax Maxamuud, oo ka mid ah hormuudka deegaanka, ayaa si geesinimo leh shaqada u bilaabay kaligiis. Inkastoo uu shaqaale la’aan uu yahay, haddana wuxuu si xamaasad leh u qodayaa harta, isagoo muujinaya adkeysi iyo go’aan qaadasho.
Oday Caalim wuxuu tusaale u yahay dadaalka iyo jacaylka bulshada Cuur ay u qabaan horumarka deegaanka.
Shaqada adag oo kaligii ah waxay astaan u tahay ruuxa aan is dhiibin ee Cuur.
Cuur waa hal-adayg, dadaal, iyo barwaaqo!